Sporting Lisbon ayaa mowqif adag ka qaadatay mustaqbalka xiddigeeda Viktor Gyokeres.
Kooxda ka dhisan Lisbon ayaa dajisay qiimaha ugu yar ee lagu iibin karo xididga kaasoo lagu sheegay 75 milyan oo euros.
Sida laga soo xigtay wargayska Record, kooxda reer Portugal ayaa diyaar u ah in ay fududeyso heshiiska lagu iibsan karo weeraryahanka Swedish-ka.
Qaab ciyaareedka Gyokeres ayaa sii jiitay qaar ka mid ah kooxaha ugu sareeya Yurub tan iyo markii uu soo bandhigay awood dheeraad ah oo gool dhalineed.
Bayern Munich, Manchester United, iyo FC Barcelona ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan xiddigaan weerarka ka ciyaara.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Sporting ayaa meesha ka saaray in uu ku lug yeelan karo weeraryahanka suuqa bisha Janaayo, iyaga oo mudnaan siinaya inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedka.