Taageerayaasha Arsenal waxay siinayaan lambarka 7 ee kooxdooda Bukayo Saka abaal-marin kasta oo uu u qalmo.
Laakiin dadka qaar ayaa qaba in Saka uu kujiro wali hooska Cole Palmer, ciyaaryahanka Chelsea ayaa xili ciyaareedkii hore ahaa gooldhaliyaha labaad ee horyaalka ugu sareeyay isagoo ka dambeeyay kaliya Halaand.
Da’yarkii hore ee Manchester City ayaa hogaaminaya isku darka gool dhalinta iyo caawinta horyaalka England xilli ciyaareedkan, wuxuu dhaliyay hal kulan afar gool waliba qeybta hore ee ciyaarta.
Ka hor fasaxa caalamiga ah, dad badan ayaa qabay in Palmer ay tahay inuu Saka kulo tartamo garabka midig ee xulka England.
,Iyadoo ciyaarayahanka Chelsea uu ku jiro qaab fantastik ah.
Waxay u baahan tahay inuu bandhig intaan ka badan sameyn doono lambarka 20-aad ee Bules, madaama tababare Maresca siiyay xoriyad dheeraad ah oo garoonka dhaxediisa ah.
Haddii aad u baahan tahay xulashada xiddig dhanka midig ee weerarka ah oo ka ciyaara gudaha England, iskama indho tiri kartit Bukayo Saka ama Palmer.
Waxaa jirta dood ah kan fiican Saka iyo Palmer waana sii jiri doontaa hadii bandhigooda sarre uusan isbedelin xili ciyaareedkaan bilowga ah.
Saka ayaa hogaaminaya fursadaha waaweyn ee la abuuray, 12 fursad ayuu sameeyay. waxaana kusoo xiga Plamer oo 8 abuuray.
Caawinta ugu badan ayuu sidokale ka sameeyay Premier League xili ciyaareedkaan Saka taasio ah 7, wuxuu haminayaa inuu jabiyo rikoorka caawin hal olole oo uu sameeyay Kevin de Bruyne Premier League.