Intii lagu jiray sagaalkii sano ee uu maamulayay Liverpool, Jurgen Klopp wuxuu sameeyay isbedel cajiib ah oo suuqa kala iibsiga ah, wuxuuna lasoo saxiixday qaar ka mid ah xiddigaha ugu tayada sareeya kubadda cagta.
Wuxuu mas’uul ka ahaa inay yimaadaan Liverpool xiddigo ay ka mid yihiin Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Alisson Becker. wuxuuna waayay tiro intaas ka badan oo uu isku dayay saxiixooda.
bartilmaameedyadiisii ugu waaweynaa suuqa ee uu seegay waxaa kamid ahaa Moises Caicedo. Klopp ayaa la dhacay qaab ciyaareedka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion, laakiin waxaa fashiliyay saxiixiisa Chelsea oo ka dulqaaday waqti dambe.
Sidookale Liverpool ayaa wayday Piotr Zielinski oo Inter Milan ka tirsan hadda. ciyaaryahanka khadka dhexe ee Poland laftiisa ayaa waqti dmabe ka sheekeeyay sida uu ugu dhawaaday ku biirista kooxdii Klopp.
Inkastoo Klopp uu si cad u ahaa taageere weyn oo Zielinski ah, xiisihiisa ayaa xadka dhaafay, sida uu xiddigu u sheegay saxaafada, dhaqaaqistiisa ayaa ugu dambeyntii burburtay iyadoo Liverpool aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan qimihii ay dalbadeen Udinese.
Saxaafada ayaa baahisay in fanaanada kooxda Liverpool lagu sawiray ciyaaryahanka ka hor inta uusan si lama filaan ah u burburin heshiiskiisii.
Ka dib markii uu burburay heshiiskiisii Liverpool, Zielinski wuxuu ugu dambeyntii ku biiray Napoli.
Siddeedii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa Stadio Diego Armando Maradona. Waxa uu kula guuleystay labada horyaal oo Seria A iyo Coppa Italia wuxuu u ciyaaray 364 kulan ka hor inta uusan u dhaqaaqin Inter Milan xagaagan.