Ka dib 128 ciyaarood iyo laba koob, Erik ten Hag ayaa ugu dambeyntii waayay shaqadiisa Manchester United.
Guukdarradii ugu dambaysay ee ku dhacday tababbaraha reer Holland ayaa naxashka saartay kadib markii 2-1 ay kaga badiyeen West Ham United.
Falcelin degdega ah oo taageerayaashu sameeyeen ayaa dunida ciyaaraha dhan tustay sida ay ninkaan looga nacay kooxda dhaxdeeda.
Ruud van Nistelrooy ayaa kooxda si ku meel gaar ah u maamuli doona, iyadoo ay taageerayaan kooxda hadda la shaqeysa, halka tababare joogto ee kooxda qaban doona lagu dhawaaqi doono maalmaha soosocda.
Graham Potter
Rikoorka tababare: 397 kulan 160 guul, 119 barbaro 118 qasaare
Guulihiisa waxaa lagu qiimeeyay 40.3%
Markii laga ceyriyay Chelsea April 2023, dad yar ayaa filan karah Potter inuu muddo dheer shaqada ka maqnaan karay, laakiin ku dhawaad 18 bilood wax shaqo ah ma qaban.
Thomas Frank
Rikoorkiisa tababare 334 ciyaar 141 guul Barbaro 87 barbari 107 qasaaro
Guulohiisa waa qiysaatii 42.2%
Tababaraha Danish Frank, oo 50 jir ah, ayaa lagu ixtiraamaa inta badan shaqadii uu ka qabtay Brentford uu usoo dalacsiiyay Premier League ka dibna ka dhigay koo da xoogan.
Simone Inzaghi
Rikoorkiisa tababare: 320 ciyaar,192 guul, 57 barbaro, 73 guuldaro
Guulihiisa waa qiyaastii 60.0%
Ruben Amorim
Rikoorkiisa tababare: 244 kulan, 174 guul, 34 barbaro, 36 qasaaro
Guulihiisa ayaa lagu qiyaasay 71.3%
Xavi
Rikoorkiisa tababare: 102 ciyaar, 71 guul, 16 bar baro 15 guul darro.
Guulihiisa waa boqolkiiba 69.6%