Sheekada u dhaxeysay Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ee ku saabsan xiddiga reer France Kylian Mbappe ayaa ugu dambeyn soo dhammaatay 2024, iyadoo kooxda 15-ka jeer ku guuleysatay Champions League ay gacanta ku dhigtay weeraryahanka reer France kadib markii uu noqday bartilmaameedkooda ugu weyn dhowr xilli oo isku xiga.
Mbappe ayaa ka tagay kooxda Ligue 1 ee PSG kadib toddobo xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa, isagoo ku baxay beeca xorta ah markii uu dhaliyay 256 gool 308 kulan oo uu u saftay, taas oo ka dhigtay gooldhaliyahooda ugu sarreeya taariikhda.
Inkasta oo Mbappe aanu wax lacag ah ugu kicin Los Blancos marka la eego lacagta iibka, haddana lacagta saxiixiisa iyo mushaharkiisa ayaa si fudud uga dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan La Liga.
Isagoo saxiixay qandaraas shan sano ah oo uu ku joogi doono kooxda reer Spain, Mbappe ayaa noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Real Madrid isagoo toddobaadkii qaata w£500,000 ($629,000), taas oo sanadkii ka dhigaysa in ay usoo xarooto lacag ka badan £25 milyan ($32m).
Maahan wax la yaab leh in xiddiga caalamiga ah ee reer France uu yahay kan ugu mushaarka badan Real Madrid, laakiin ciyaaryahanka labaad ee ugu mushaarka badan kooxda ayaa laga yaabaa inay noqoto wax lala yaabo.
David Alaba ayaa qaata mushaar gaaraya £18 milyan ($21m), halka kaalinta saddexaad uu ku jiro Jude Bellingham oo qaata mushahar la mid ah Vinicius Jr. oo ku jira kaalinta afraad.
Kaalinta shanaad ee liiska ciyaartoyda ugu mushaarka badan waxaa dhameystiraya khadka dhexe ee reer Uruguay Federico Valverde, kaas oo sidoo kale loo arko kabtanka mustaqbalka ee kooxda magaca weyn leh.