Taageerayaasha Manchester United ayaa aamini waayay xog soo baxday oo muujineysa qalad weyn uu Erik ten Hag sameeyay mudadii uu joogay Manchester United.
Qaab ciyaareed xumo ay soo bandhigtay Red Devils xilli ciyaareedkan ayaa keentay in shaki geliyo mustaqbalka tababare Erik ten Hag oo laga yaabo inuu kooxda ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Tababaraha ayaa qaatay go’aamo muran dhaliyay xilli ciyaareedkan oo ay ka mid tahay inuu kooxda ka saaray Jadon Sancho islamarkaana uu amaah ku siiyay Borussia Dortmund.
Ten Hag ayaa kooxda ka saaray Sancho kulan ay guuldarro ka soo gaartay Arsenal horaantii bishii September isagoo sabab uga dhigay inuu ciyaaryahanka ku liitay tababarka.
Laakiin ciyaaryahanka ayaa baraha bulshada ku qoray inay taasi been tahay oo marmarsiiyo laga dhiganayo.
Xog cusub oo haatan soo baxday ayaa muujineysa xiddigaha ugu fursad abuurista badnaa Manchester United seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay iyadoo Sancho uu si lama filaan ah u soo galay booska labaad.
🚨VERY INTERESTING STAT
Manchester United’s top 4 creators (how many chances they’ve created) over the last THREE seasons:
Bruno Fernandes — 316
Jadon Sancho — 86
Diogo Dalot — 79
Marcus Rashford — 64 pic.twitter.com/nFjmGSONmd— Frank🧠🇳🇱 (fan) (@TenHagEra) April 28, 2024
Marka loo eego inuusan wacdarro ku dhigin maaliyada Man United, waa lama filaan in Sancho uu noqdo xiddiga labaad ee ugu fursad abuurista badnaa Man United, taasoo muujineysa in Ten Hag uu ku qaldanaa inuu Sancho kooxda ka saaro.
Sancho ayaa abuuray 86 fursadood, wuxuuna si weyn uga danbeeyaa kabtanka kooxda Bruno Fernandes oo abuuray 316 fursadood.
Taageerayaasha Man United ayaana bilaabay inay baraha bulshada ku soo qoraan in qaladkii ugu weynaa ee uu Ten Hag sameeyay inay aheyd inuu faquuqay Sancho oo ahaa xiddigii labaad ee fursad abuurista badnaa kooxda.
Diogo Dalot ayaa kaalinta 3aad ku jira isagoo abuuray 79 fursadood halka afaraad uu ku jiro Marcus Rashford oo abuuray 64 fursadood.