De Gea ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2022/2023 ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa, mana uusan ciyaarin kubada tan iyo guuldaradii United ka soo gaartay Manchester City finalkii FA Cup 2023kii.
33 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia iyo sidoo kale MLS iyo Italy, waxayna u muuqataa in imika uu dib ugu soo laabtay kubada cagta.
De Gea ayaa wadahadalo kula jira kooxda reer Talyaani ee Genoa si uu ugu dhaqaaqo Serie A, taasoo noqon doonta tallaabo la yaab leh.
Genoa ayaa suuqa ugu jirta goolhaye cusub ka dib marki Josep Martinez uu ku biiray kooxda heysata horyaalka talyaaniga ee Inter Milan, wararka qaar ayaa sheegaya in Chelsea ay u soo bandhigtay Djordje Petrovic kooxda Talyaaniga, laakiin waxay u arkeen 24 jirka mid qaali ah.
De Gea, oo United kaga soo biiray Atletico Madrid sanadii 2011 ayaa 12 sano ku qaatay Old Trafford wuxuuna u saftay 545 kulan Red Devils.
Laacibkii hore ee Atletico ayaa dhaafay rikoorka Peter Schmeichel ee Shabaqa oo nadiif ah, wuxuuna dhigay rikoorka kulamada ugu badan ee uu goolhaye u saftay Old Trafford.
De Gea waxa uu United u qaaday shan koob oo waaweyn, oo ay ku jiraan Premier League, League Cup, Fa Cup iyo Europa League, waxaana uu u saftay Spain 45 jeer, inkastoo uusan u soo muuqanin tartanka cusub ee Yurub tan iyo 2020kii.