Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford ayaa rikoodheyaal ay dhaliyeen qaybtii hore waxa ay jidka guusha ugu soo celiyeen Manchester United oo labadii kulan ee ugu dambeeyey ay ka adkaadeen Fulham iyo Manchester City, waxayse maanta 2-0 ugu awood sheegteen Everont.
Alejandro Garnacho ayaa labada rikoodhaba lagu galay markii lagu riday xerada ganaaxa waxaana midka hore qaatay Bruno Fernandes, halka tuurashada labaadna uu sameeyey Marcus Rashford.
Afartii ciyaartoy ee ceeboobay
Afar ciyaartoy oo isku koox ahaa ayaa noqday kuwii ugu liitay ee ay ku ceeboobay ciyaarta, waxaanay dhamaantood ka wada tirsanaayeen naadiga guul-darrada qaatay ee Everton.
Ciyaartoydan oo kala ahaa Godrey, Mykolenko, Doucoure iyo Beto ayaa ahaa afarta ciyaartoy ee ugu liitay ee helay qiimaynta isku midka ah oo ahayd darajada 5.
Xiddigii garoonka
Da’yarka reer Argentina ee Alejandro Garnacho oo ahaa laacibka labada rikoodhe lagu galay qaybtii hore ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa ee ciyaarta, waxaanay isku qiimayn ahaayeen Bruno Fernandes oo ahaa ciyaartoyga labaad ee uu hungurigu ka galay xiddignimada ciyaarta.
Qiimtii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man United: Onana (7), Lindelof (6), Varane (7), Dalot (7), Evans (7), Casemiro (6), Mainoo (6), Fernandes (8), Garnacho (8), McTominay (6), Rashford (7).
Beddelka: Amrabat (6), Kambwala (6), Antony (6).
Everton: Pickford (7), Godfrey (5), Tarkowski (6), Branthwaite (7), Mykolenko (5), Harrison (6), Onana (6), Garner (6), McNeil (7), Doucoure (5), Beto (5).
Beddelka: Calvert-Lewin (5), Gomes (6), Dobbin (6), Young (6), Chermiti (6).