Xiddiga Real Madrid ee Vinicius Jr ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qiimaha badan adduunka iyadoo qiimihiisu gaaray €200 milyan, sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambeysay ee Transfermarkt. Qiimaha suuqa ee weeraryahankan reer Brazil ayaa si weyn u kordhay, isagoo ka soo kacay €180 milyan oo hore loogu qiimeeyay.
Vinicius Jr oo ah garabka weerarka Real Madrid ayaa si weyn u muujiyay dadaal wax ku ool ah, sidoo kalena loo saadaalinayo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkan. Qiimaha cusub ee Vinicius ayaa ka dhigaysa mid u dhiganta weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, iyagoo ah labada ciyaaryahan oo kaliya ee madasha Transfermarkt lagu qiimeeyo €200 milyan.
Tani ayaa ka dhigeysa in labadan xiddig ay ka mid yihiin xiddigaha ugu doonista badan kubadda cagta caalamka, gaar ahaan kaddib xilligii Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Waxqabadkooda kooxaha ay u ciyaaraan, iyo bandhigyadooda shaqsiyeed ee heerka sare ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kor u kaca qiimayntooda.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in saddex ka mid ah shanta ciyaaryahan ee ugu qiimaha badan kubadda cagta adduunka ay hadda xiran yihiin funaanadda Real Madrid.Waxaa sidoo kale Vinicius Jr ku wehliya qiimeynta Jude Bellingham iyo Kylian Mbappe, kuwaas oo labadoodaba lagu qiimeeyay €180 milyan midkiiba, inkastoo qiimayntooda aan wax isbedel ah lagu sameyn.
Vinicius Jr ayaa noqday ciyaaryahan muhiim u ah Real Madrid ,isagoo 11 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan 12 kulan oo uu saftay. Kor u kaca qiimahiisu wuxuu ka tarjumayaa saamaynta sii kordhaysa ee uu ku leeyahay garoonka iyo doorka uu ku leeyahay mustaqbalka kooxda.
Weeraryahankan reer Brazil ayaa dib ugu soo laabtay tababarka caadiga ah waxaana uu diyaar u yahay inuu ka mid noqdo safka hore ee Real Madrid marka ay wajahaan Celta Vigo kulanka soo socda.