Difaaca xulka Brazil, Marquinhos, ayaa taageero buuxda u muujiyay weeraryahanka Barcelona, Raphinha, inuu ku guuleysan doono abaalmarinta Ballon d’Or 2025.
Marquinhos, oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain (PSG), wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in qof walba hadda arko shaqada wanaagsan ee uu Raphinha qabanayo.
Wuxuu hadalkan jeediyay ka hor kulanka ay Brazil la ciyaari doonto Argentina ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.
Marquinhos wuxuu tilmaamay in garabka Barça uu leeyahay maskax aad u sarreysa, isla markaana uu yahay hoggaamiye garoonka dhexdiisa.
Wuxuu rajeeyay in saaxiibkiis uu xajisto heerkiisa ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Wuxuu yiri:
“Raphinha waa xiddig sare. Hadda qof walba wuxuu arkayaa kartidiisa iyo waxa uu qaban karo, waana wax aan horey ugu ogaanay gudaha xulka qaranka.”
“Waan ogeyn sida uu muhiim ugu yahay kooxda, dadaalkiisa, maskaxdiisa iyo hoggaamintiisa. Waa qof aad u caqli badan, had iyo jeerna wuxuu bixiyaa hadallo sax ah.”
“Wuxuu taas muujiyay markii uu qalad ku galay Vini, isagoo isku muujiyay inuu yahay hoggaamiye dhab ah, xitaa kabtannimo ayuu istaahilaa.”
“Wuxuu sidaas u sameeyay maxaa yeelay wuxuu ka fikirayay kooxda marka hore. Kuwani waa waxyaabo aan dibadda laga arkin, laakiin gudaha xulka waa la dareemayay.”
“Haddii uu heerkan kusii jiro ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka, wuxuu haystaa wax walba oo uu ugu guuleysan karo Ballon d’Or.”
Raphinha iyo Mohamed Salah ayaa hadda ah labada xiddig ee ugu cadcad hanashada abaalmarinta xilli-ciyaareedkan.
Garabka reer Brazil wuxuu xilli-ciyaareedkan u saftay Barcelona 42 kulan, isagoo dhaliyay 27 gool isla markaana caawiyay 20 gool kale.
Vinicius Jr iyo Kylian Mbappe ayaa sidoo kale lagu xusay tartanka abaalmarinta, balse labadooda ayaa dib u dhacay tartanka loogu jiro Ballon d’Or.