Antonio Rudiger iyo xiriirka Kubadda Cagta Jarmalka (DFB) ayaa qaadaya tallaabo sharci ah kaddib markii xiddiga Jarmalka lagu tilmaamay argagixiso.
Horaantii bishaan, Rudiger, oo ah Muslim cibaado badan, ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir uu ku labisan khamiis isagoo dul fadhiya saligii salaada.
Waxa uu kor u taagayay farta gacanta midig isagoo ku soo qoray: “Allow Soonka iyo Salaaddaba naga aqbal.”
Maalintii Axada, tifaftirihii hore ee wargeyska BILD Julian Reichelt ayaa qoraal Islaam naceyb ah soo dhigay Twitter isagoo soo qoray:
“Qof walba oo doonaya inuu ogaado salaanta Islaamiyinta ah ee uu sameynayo Antonio Rudiger. Xafiiska Federaalka ee Ilaalinta Dastuurka waxa ay calaamadaas u yaqaanaan fartii ururka ISIS, waxayna u arkaan in fartaas ay tahay calaamad muuqata oo Islaam xag jir ah.”
Haatan Rudiger ayaa dacwad danbi ah u gudbiyay xeer ilaalinta Berlin waxaa iyagana dacwad la mid ah gudbiyay xiriirka kubada cagta Jarmalka DFP oo iyadana la xiriiray waaxda la dagaalanta danbiyada Internetka ee ZIT.
Xiddiga Real Madrid ayaa dareemaya in diintiisa lagu faquuqay madaama uu Instagram soo dhigay sawir uu ugu talogalay bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.
Markii Rudiger la weydiiyay xalay inuu ka hadlo arintaan wuu ka gaabsaday madaama uu dacwad danbi ah ka gudbiyay.
Cunsuriga hadalka Islaamka naceybka uu ka soo yeeray ayaa dacwada markii laga gudbiyay ka dib ku adkeystay hadalkiisii hore isagoo qoraal dheer soo qoray taasoo nuxurkeedu ahaa inuusan dooneynin in Islaamka uu qabsado Jarmalka.