Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa ku dhibtoonaya sidii uu saxiixyo cusub u heli lahaa, balse kooxda ayaa diiradda saareysa inay ciyaartooy ka dirto Old Trafford ka hor inta aysan dib u dhis weyn sameyn.
Marcus Rashford, oo xilli ciyaareed adag wajahaya, ayaa qorsheynayay inuu ka tago United bishan si uu u dib u soo nooleeyo xirfaddiisa. Waxaa lala xiriirinayay amaah uu ugu dhaqaaqayo AC Milan, laakiin heshiiskaas ayaa hakad ku yimid kaddib markii Milan ay diidday inay bixiso wax ka badan kala bar mushaharkiisa toddobaadlaha ah oo dhan £325,000.
Sida laga soo xigtay The Times, Milan waxay bixin karaan ugu badnaan £150,000 toddobaadkii, taasoo u dhiganta mushaharka ugu sarreeya ee kooxda ay siiso Alvaro Morata. Rashford wuxuu doorbidayaa inuu u dhaqaaqo Barcelona, balse xaaladda dhaqaale ee kooxda reer Spain ayaa ka dhigaysa arrinta mid adag.
Bedelka Rashford: Khvicha Kvaratskhelia
Iyadoo Rashford uu u muuqdo mid ka tagaya kooxda. Manchester United ayaa durbaba bilowday inay raadiyaan bedel ku habboon. Sida ay sheegtay L’Equipe, kooxda ayaa xiiseyneysa Khvicha Kvaratskhelia oo ka tirsan Napoli. Xiddiga heerka caalami ee Georgia, oo 23 jir ah, ayaa galay labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaskiisa Napoli, taasoo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh.
Si kastaba, waxaa jirta suurta-galnimada heshiis is-weydaarsi ah oo dhex mara Rashford iyo Kvaratskhelia, taasoo laga yaabo inay xaliso xaaladda labada ciyaaryahan iyo kooxahooda.
Napoli uma muuqato inay si adag uga soo horjeeddo iibinta xiddigan, balse waxay doonayaan inay helaan qiimaha saxda ah ee ciyaaryahankooda. Taageerayaasha United waxay rajeynayaan in heshiiskan uu noqon doono mid guul leh haddii uu dhaco.