Xiddigii hore ee Manchester United ee Alan Smith ayaa rumaysan in Red Devils ay iman doonto kaalinta afraad ee horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, isla markaana usoo bixi doonto tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe.
Alan Smith oo weerarka uga ciyaari jiray Manchester United laakiin ay booska ku cidhiidhyeen Wayne Rooney iyo Cristiano Ronaldo oo ku qasbay inuu ka tago Old Trafford markii uu boos joogto ah ka waayey, ayaa waxa uu magacaabay in ciyaartoy hadda kooxda dib ugu soo noqonaya uu ka caawin doonto inay afarta ugu sarraysa ka mid noqdaan.
Aston Villa ayaa hadda kaalinta afraad kaga jirta horyaalka Premier League oo sagaal dhibcood ka horreysa Manchester Unitedhalka Tottenham ay fadhido booska kaalinta shanaad oo ay lix dhibcood ka horreyso.
Smith oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Manchester United uu usoo noqonayo difaaca reer Argentine ee Lisandro Martinez oo kaliya 10 ciyaarood ugu soo bilowday kooxdiisa xilli-ciyaareedkan isla markaana la daalaa-dhacaya dhaawacyo.
“Xaqiiqdii, Martinez waa ciyaartoy laf-dhabar u ah kooxda, waxa uu ka dheelaa difaaca dhexe oo bidixda ah, waana halka ay kooxdu aadka uga liidato sannadkan.” Ayuu yidhi Alan Smith.
Waxa uu kusii daray: “Dhamaan ciyaartoydii bidixleyaasha ahaa dhaawacyo ayay ku maqan yihiin, Luke Shaw wuu maqan yahay, Martinez iyo Malacia way maqan yihiin. Waxa aan garanayaa in Ten Hag uu yahay tababare Dutch ah oo uu jecel yahay dheellitirnaanta, waxaanad ku arkaysaa go’aano layaab kugu noqonayaa.
“Martinez waxa uu kooxda siinayaa dheellitirnaan, waxaana uu kooxda ka caawin karayaa inay afarta sare yimaaddaan.”