PSG ayaa diyaarinaysa dalab £80 milyan oo Gini ah oo ay u bandhigayso Manchester United oo ay ka doonayso weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford, kaas oo ay isagana u ballanqaadeen mushahar usbuucii ah £500,000 Gini. (Star)
PSG waxa kale oo ay doonaysaa garabka weerarka Liverpool ee Luis Diaz oo 27 jir ah, si uu uga ciyaaro booska Kylian Mbappe oo la filayo inuu ku biiro Real Madrid, laakiin waa haddii ay waayaan Marcus Rashford. (El Pais)
Masuuliyiinta iibka u qaabbilsan Manchester United ayaa safarro ugu baxaya garoomada kooxaha Yurub waqtiyga ay dheelayaan, sababtuna waa inay dedaal badan ku bixinayaan inay helaan ciyaartooyo tayo leh oo naadiga dib ay ugu dhisaan. (ESPN(
Man United waxa ay calaamadsatay xiddiga ay bartilmaameedka koowaad ka dhiganayso xagaaga, waana difaaca Brazil iyo kooxda Juventus ee Gleison Bremer oo 26 jir ah. Sidoo kale, waxa ay doonayaan difaaca Everton ee Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah. (i)
Tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi ayaa waxa uu dalabyo ka haystaa kooxaha Barcelona, Chelsea iyo Liverpool, waxaanay taasi walaac ku ahysaa maamulka Brighton. (Times)
Difaaca Liverpool ee Joe Gomez oo 26 jir ah, weeraryahanka Brentford ee Ivan Toney oo 27 jir ah iyo goolhayaha Rangers ee Jack Butland oo 31 jir ah ayaa la filayaa inay ka mid noqon doonaan xulka qaranka England ee kulamada saaxiibtinimo ee Brazil iyo Belgium ee bisha March. (Sky Sports)
Barcelona waxa ay ka fiirsanaysaa inay iibiso difaaceeda reer Uruguay ee Ronald Araujo oo lala xidhiidhinayo Bayern Munich, laakiin waa haddii ay ku helayaan lacag dhan £86 milyan oo Gini oo u dhiganta 100 milyan oo Euro. (ESPN)
Inter Milan ayaa waxa ay ka shaqaynaysaa sidii ay ugu qancin lahayd Lautaro Martinez inuu kordhiyo qandaraaskiisa oo hadda dhamaad kusii dhowaanaya. (Gazzetta dello Sport)
Arsenal waxa ay doonaysaa khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad iyo xulka Spain ee Martin Zubamendi oo 25 jir ah iy goolhayaha xulka Maraykanka iyo kooxda Columbus Crew ee Patrick Schulte oo 23 jir ah. (Telegraph)
Chelsea ayaa heli doonta lacag tobannaan milyan ah haddii ay Bayern Munich iibiso xiddigeeda reer Germany ee Jamal Musiala oo lala xidiidhinayo Manchester City iyo Liverpool. 21 jirkan ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Chelsea, waxaana ay Blues leedahay 20% xuquuqdiisa. (Mail)