Xiddiga Manchester City Rodri ayaa ka codsaday tababare Pep Guardiola inuu siiyo nasiino, isagoo qirtay inuu daalan yahay.
Rodri ayaa xilli ciyaareedkan ahaa tiir dhexaadka kooxda difaacaneysa horyaalka iyo Champions League, isagoo ku soo bilowday 22 ka mid ah 24-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Isbaanishka ayaa aaminsan inuu u baahan yahay nasiino ka dib markii ay ka dhamaatay tamarta wuxuuna qorsheynayaa inuu kala hadlo Guardiola ka hor kulanka soo socda ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Luton.
Inkastoo aan laga badinin 65 kulan oo isku xigta oo uu u ciyaaray kooxdiisa iyo wadankiisa, Rodri ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed liita kulankii xalay ay barbaraha 3-3 la galeen Real Madrid.
Rodri ayaa u sheegay Guardiola inuu u baahan yahay waqti uu ku nasto haddii uu doonayo inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisa fiican islamarkaana ka caawiyo City inay mar kale seddexda koob isku qaadaan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa rajeynaya inuu u soo caboonaado kulanka lugta labaad ee wareega 8da Champions League ee ay Real Madrid ku soo dhaweynayaan Etihad Stadium isbuuca danbe.
Waxa uu yiri: “Waxaan u baahanahay nasiino. Aan aragno sida aan u wada hadalno iyo sida ay xaalada tahay. Mararka qaar waxba lagama qaban karo. Waxaan u baahanahay dib u habeyn. Nasiino waa waxa inaga maqan. Mid kasta oo naga mid ah si fiican sida haatan ayuu u dheeli karaa oo aan aniga ku jiro. Laakiin waxaan u baahanahay nasiino haddii aan daacad u hadlo.”