Xaaska Kyle Walker oo lagu magacaabo Annie Kilner ayaa lagu soo waramayaa in ay kulamo qarsoodi ah la yeelatay qareeno ay kala hadashay suurtagalnimada in ay kala tagaan cayaaryahanka kooxda Manchester City Kyle Walker.
Kilner ayaa tixgalinaysa doorashadeeda kadib markii ay ogaatay in Walker ay laba caruur ah u dhashay marwadiisii hore, Lauryn Goodman. Walker wuxuu isku dayay in uu badbaadiyo guurkooda, laakiin xalka waa uu lasoo daahay.
Warbixinadu waxay soo jeedinayaan in Kilner, oo afar carruur ah u leh Walker, ay hiigsan karto la wareegidda ku dhawaad kala badh hantida Walker ee 27 milyan ginni. In kasta oo aan weli go’aan laga gaadhin, waxa ay u muuqataa in ay raadisay talo sharci oo ku saabsan mustaqbalka guurkooda.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay The Sun, “Annie ayaa si dhab ah ugala hadashay qareenada waxa mustaqbalkeedu u ekaan karo. Furriin ayaa ah mid suurtagal ah oo hadda arrimuhu waa sii xumaanayaan. Weli ma eysan gaarin iktiyaar sax ah Annie”
Xaaskii hore ee ciyaariyahanka ayaa sheegtay inuu ilmo labaad u dhashay Walker iyo ayada. Taasi ayaana si dhab ah sawir cad uga bixineysa mustaqbalka Kilner iyo Walker oo haatan xaalkoodu u muuqdo mid aan xal waara loo heli karin haddii aysan kala tagin.