Xiddiga Liverpool Alexis Mac Allister ayaa iska indho tiray Jurgen Klopp iyo Arne Slot markii uu shaaca ka qaaday tababarihii uu ugu jeclaa.
Alexis Mac Allister, oo ka tirsan Liverpool, ayaa iska indho tiray Jurgen Klopp iyo Arne Slot isagoo magacaabay tababarahii ugu fiicnaa ee soo maamula. Xiddiga reer Argentina ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa noqday mid ka mid ah kubbad-sameeyeyaasha ugu fiican Premier League tan iyo markii uu kaga soo biiray Brighton kooxda Argentinos Juniors bishii Janaayo 2019.
Kadib markii uu wacdaro ka dhigay Brighton, Liverpool ayaa la wareegtay xagaagii 2023, isagoo Klopp la shaqeeyay xilli ciyaareed ka hor inta uusan tababaraha reer Jarmal xilka ka degin bishii Maajo. Hadda Mac Allister waxa uu ku naalloonayaa ka hoos shaqeynta Slot, oo Reds ku hoggaamiyay hoggaan 7 dhibcood ah oo ay ku hayaan horyaalka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, waa tababarihii ugu dambeeyay ee uu Brighton kula soo shaqeeyay, Roberto De Zerbi, ayuu ku sheegay inuu yahay midka uu ugu jeclaa ee uu kasoo hoos ciyaaro. Tababaraha Talyaaniga ah, oo hadda hogaamiya kooxda Marseille ee dalka Faransiiska, waxa uu ka shaqeynayay Brighton wax ka yar laba sano, balse waxa uu saameyn weyn ku yeeshay kooxda iyo ciyaartoydeeda.
Isagoo kaa hadlay Podcast ga Gary Lineker, The Rest is Football, waxa uu Mac Allister ka yiri De Zerbi: “Waa nin waalan, laakiin waan jeclahay. Waxaan u maleynayaa inuu yahay tababaraha ugu fiican ee aan abid kasoo hoos ciyaaro”