Weeraryahanka Liverpool Cody Gakpo ayaa lagu eedeeyay inuu shacabka ka kireen guruyo uu isagu ku leeyahay dalkiisa Netherlands oo la sheegay inay ka buuxaan dooli ama jiir iyo qashin.
Xiddiga reer Holland oo mushahar ahaan u qaata 130 kuna ginni todobaadkii ayaa dhul ku maalgashaday shan magaalo oo dalkiisa ah isagoo iska leh shirkad la yiraahdo Samaritan.
Gakpo ayaa guryihiisa ku kireeya qiimo gaaraya 875 euro bishii, waxaana lagu tilmaamay guro wasaq ah oo bahalo galeen ah, halka guri kale oo looga kireystay 850 euro lagu tilmaamay mid ciriiri ah oo qofkii albaabka ka galaya uu ku qasban yahay inuu is dadbo, sida ay qortay Daily Mirror.
Celceliska kirada guryaha ee aagaas waa 560 euro. Dadka degan guryahaan ayaa si weyn uga cawday xaalado guriyaha iyagoo sheegay inaysan aheyn meel uu bani’aadam ku noolaan karo, waxaana ka buuxa dooli iyo wasaq badan.
24 jirkaan ayaa ahaa milkiilaha kaliya ee iska leh shirkada Samaritan oo guryo ku leh magaalooyinka Rotterdam, Dordrecht, Roermond, Weert iyo Geleen.
Wargeyska dalkiisa ka soo baxa ee De Limburger ayaa ka qoray eedeymo badan oo la xiriira guryaha uu leeyahay xiddiga Liverpool iyo sida xaaladooda ay tahay.