Kevin Muscat, oo caan ku ah inuu yahay daafac dilaa ah, ayaa lagu sheegay inuu yahay midka loogu neceb yahay kubadda cagta.
Muscat, oo ah ciyaaryahan caalami ah oo Australian ah oo ku dhashay Crawley, England, ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Australia ka hor intii uusan u wareegin England, halkaasoo uu ugu horreyn u ciyaaray Crystal Palace ka dibna Wolves, isagoo u saftay 180 kulan kooxda intii u dhaxaysay 1997 iyo 2002.
Intii uu garoomada ku jiray waxaa lagu yaqaanay dhacdooyin la yaab leh iyo ciyaar adag oo keentay in lagu xanto inuu yahay mid ka mid ah shaqsiyaadka loogu neceb yahay kubbadda cagta.
Hab-dhaqanka Muscat ee garoonka ayaa marar badan sababtay iska horimaadyo iyo dhaleecayn. Gaar ahaan, ciyaaryahanka Birmingham City, Martin Grainger, ayaa ku tilmaamay inuu yahay “ninka logu neceb kubbadda cagta” sanadkii 2000 kadib markii uu sameeyay laad muran dhaliyay oo ku dhacay xiddiga ay isku dalka yihiin Stan Lazaridis.
Dilaagan ayaa saameyn xun ku yeeshay ciyaaryahanno kale oo uu ka mid yahay Christophe Dugarry iyo Craig Bellamy, oo dhaawacyadii uu u geystay sababtay dacwad sharci ah markii Matty Holmes loo baahday in lagu sameeyo qalliino badan kadib dil uu Muscat u geystay.
Qaab-ciyaareedkiisa xun ayuu sii watay xitaa markuu joogay Millwall iyo Rangers, ka hor inta uusan dib ugu laaban Australia, halkaasoo sumcadiisu ay ku luntay.
Horyaalka A-League, wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee wajaha ganaax saddex kulan ah sababo la xiriira dhaqan xumo, kadibna wuxuu muteystay ganaax siddeed kulan ah markii uu si xun u dhaawacay ciyaaryahanka Melbourne Heart ee Adrian Zahra.
Muscat wuxuu kubadda ku dhexjiray 19 sano, isagoo qaatay 123 jaalle iyo 12 casaan, taasoo muujineysa taariikh madow. Kadib markii uu ciyaaraha ka fariistay, wuxuu isku dayay inuu tababare noqdo, ugu dambayna wuxuu maamulayay Sint-Truidense ee Belgium, halkaasoo uu ka tagay bishii Juun kadib natiijooyin liita oo soo noqnoqday.