Atletico Madrid ayaa bartilmaameedkeeda ugu weyn ee suuqa January ka dhigtay xiddiga aan ku jirin kooxda Manchester United ee Alejandro Garnacho. (Fichajes – Spain)
Laacibka sanadka ee Afrika xiddiga dhawaan loo caleemo saaray ee Ademola Lookman ayaa isha ku haya inuu u dhaqaaqo Premier League bisha Janaayo, iyadoo Liverpool iyo Manchester City lagu sheegay kooxaha doonaya (Anfield Watch)
Liverpool,Arsenal iyo Newcastle United ayaa dhamaantood xiiso u qaba xiddiga West Ham ee Mohammed Kudus kaas oo lagu qiimeeyo 90 milyan oo gini. (Fichajes – Spain)
Manchester United iyo Real Madrid ayaa labadooduba diiwan galiyay xiisaha xoogan oo ay u qabaan da’yarka Olympiacos Charalampos Kostoulas, Bayern Munich iyo West Ham ayaa sidoo kale ku raad jooga 17 jirka weerarka ka ciyaara oo lagu qiimeeyo €20m (Caughtoffside)
Liverpool ayaa 65 milyan ginni kula soo wareegaysa daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi xagaaga soo socda. (Mirror)
Arsenal ayaa weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic, qorshaha ay kula wareegeyso ku dartay Gabriel Jesus inuu qeyb ka noqdo heshiis kasta, taasoo hoos u dhigaysa qiimaha weeraryahanka Serbian. Juve (Fichajes – Spain)
Hogaamiyayaasha horyaalka La Liga Barcelona ayaa xiisaynaya daafaca bidix ee kooxda Monaco Caio Henrique si ay ula tartansiiyaan Alejandro Balde. (Andres Onrubia)
Goolhayaha aadka loo qiimeeyo ee Liverpool Caoimhin Kelleher ayaa loo aqoonsaday inuu bartilmaameed u yahay Leeds United. (Caughtoffside)
Arsenal ayaa isha ku haysa xiddiga Sevilla ee Lucien Agoume. 22 jirka reer France ayaa loogu magac daray ‘Paul Pogba-ha cusub’ waxaana laga yaabaa in uu noqdo bedelka Thomas Partey (TBR Football)
Tottenham Hotspur ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada uga imaanaya Fluminense oo ku aadan Richarlison, kaasoo 60 milyan ginni kaga soo biiray Everton bishii July 2022 (Globo Esporto – Brazil).
Bayern Munich ayaa si fiican uga warqabta xaalada Mykhailo Mudryk ee Chelsea, laakiin ma doonayaan inay u dhaqaaqaan haatan. (Tobi Altschaffl)
Ka dib markii uu si liidata ku bilowday waayihiisii labaad ee Chelsea, Joao Felix ayaa ku laaban kara kooxdiisii ugu horeysay ee Benfica isagoo raadinaya inuu dib u helo qaab ciyaareed sax ah. (Fichajes – Spain)
Dhanka kale Blues ayaa laga yaabaa inay ku bedelaan Felix weeraryahanka amaahda uga maqan ee Nuremberg Stefanos Tzimas. Chelsea waxa ay isha ku haysaa xaalada da’yarka weerarka ka ciyaara. (Sky Germany)