Halyeyga Barcelona ee Gerard Pique ayaa canaan kula dul-dhacay garsoore Gil Manzano oo qalad weyn ka sameeyey ciyaartii Real Madrid iyo Valencia ee Sabtidii, taas oo ay ka dhalatay fadeexad gilgishay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.
Tababare Gil Manzano ayaa yeedhiyey siidhiga dhamaadka iyadoo kubaddu ku jirta hawada oo kusii socota goolka, waxaana ciyaartoyda Real Madrid oo u yaacay dabbaal-deg ay arkeen garsooraha oo madaxa ruxaya oo sheegaya in aanu goolkaasi jirin oo ay ciyaartu ka hor dhamaatay.
Murankii ka dhashay goobta ayaa sababay in Gil Manzano uu casaan siiyey Jude Bellingham, waxaase hore u dhalleeceeyey garsoorahan oo ku tilmaamay mid jaahil ah Lahoz oo ka mid ahaa garsooreyaasha ugu wanaagsan Spain, laakiin ka fadhiistay ciyaaraha xagaagii markii uu dunida hadal-hayn kaga abuuray kaadhadh tiro badan oo uu bixiyey Koobkii Adduunka ee Qatar 2022.
Gerard Pique ayaa hadda kusoo biiray dadka dhalleecaynaya garsoorahan, waxaana uu yidhi: “Marka horeba waynu naqaanay heerka uu taagan yahay garsoorahani. Aniga waxa uu isiiyey kaadh casaan ah oo uu isagaga saaray ciyaartii El Sadar. Hadda arrintaas kama hadlayo, waase taariikh aanan gahamsanayn, isaguse ma aha garsoore heerkii looga baahnaa ah.”
Pique oo tixraacayay kaadh casaan ahaa oo uu Gil Manzano siiyey Robert Lewandowski ayaa yidhi: “Shalay (Sabtidii) ma ahayn markii ugu horreysay ee uu sidan sameeyo. Waan fahamsanahay cabashada Real Madrid, waxa uu ciyaarta dhamayn karayey ka hor waqtigaas, ama wuu ka dambaysiin karayay, laakiin wax macno ah ma samaynayso inaad ciyaarta dhamayso iyadoo kubadda lasoo qaaday.”