Taageerayaasha Tottenham Hotspur ayaa ku majaajilooday Pep Guardiola iyagoo ku dhawaaqayay ” waa lagu ceyrinayaa subaxdii” kadib markii guuldaradii shanaad oo xiriir ah ay soo gaartay Man City.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa soo gashay isbuucaan, iyagoo shan dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha horyaalka ee Liverpool.
City ayaa sidoo kale laga badiyay afar kulan oo ay ciyaartay ka hor fasaxa caalamiga ah ee bishaan November.
Laakin rajadooda dib u soo kabashada ayaa waxaa meesha ka saaray labo gool oo uu dhaliyay James Maddison iyo laba kale oo ay ku dareen Pedro Porro iyo Brennan Johnson taasoo keentay in 4-0 looga badiyo garoonkooda.
Guardiola ayaa khadka tababarka taagnaa isagoo ahaa qof niyad jabsan markii ay taageerayaasha Tottenham ku qeylinayeen tartanka horyaalka waa dhamaaday, subaxdii waa lagu ceyrin doonaa.
Qeylada sare ee taageerayaasha Tottenham, waxay dhaawacday qalbiga Guardiola, waxaana ay xitaa kaga darned guuldarrada xanuunka badan ee ku dhacday sida uu qabo Garry Nevill.
Man City ayaa wali kujirta kaalinta labaad ee Premier League, waxaana ay kulanka soosocda ku wajahayaan hogaamiyaasha Horyaalka ee Liverpool.