Manchester City ayaa isku diyaarinaysa Xabi Alonso inuu noqdo macalinkooda xiga haddii Pep Guardiola uu diido qandaraas cusub inuu saxiixo.
Alonso, oo 42 jir ah, ayaa sumcad weyn ku sameeyay kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen, isagoo ku guuleystay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii hore.
Isbaanishkaan ayaa rikoor jabiyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Leverkusen kadib markii uu guuldarro la,aan ku qaaday hoeyaalka.
Wuxuu ahaa Alonso shaqsigii ugu cadcadaa inuu u bedelo Jurgen Klopp kooxdiisii hore ee Liverpool. Balse isaga ayaa iska diiday shaqadaas ka hor inta aan loo magcaanib Arne Slot.
kooxda heysata horyaalka Premier League ee City ayaa si xoogan dagaal kala kulmeysa Real Madrid, kuwaas oo Alonso uu ku biiray markii uu ka tagay Liverpool 2009.
City ayaa haatan ku qiimeysay Alonso musharaxa mustaqbalka bedeli doona Guardiola oo uu qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Man City cabsi badan ayay ka filayaan Real Madrid oo u arkaya Alonso mid ku haboon kooxdooda mustaqbalka kadib waayo aragnimo fiican oo uu ku qaatay Jarmalka.