Dib-u-heshiisiintii beenta ahayd ee u dhaxaysay Jadon Sancho iyo Erik ten Hag horraantii xagaagan ma ahayn Mid sii raagta.
Haatan wax walba waay soo dhamaaden.
Sancho ayaa amaah ugu biiray kooxda Chelsea maalintii ugu dambeysay ee xiritaanka suuqa kala iibsiga.
In ay la wareegtay Chelsea isaga maahan wax naxdin u ah, Sancho ayaa weli ah mid soo jiidasho leh.
Markii uu soo baxay warka ku saabsan dib u soo celinta kooxda United ka dib markii ay wada hadleen Ten Hag bishii July, waxaa jiray run fudud oo ku dhex qarsoonayd wada hadalka.
Xaqiiqda ayaa ah in Sancho uusan ka soo muuqan labadii kulan ee United.
Jadon wuxuu haatan ku laabtay Caasimada.
Sancho, oo ku dhashay koonfurta London, waxa uu ku koray taageeronimada Chelsea.
Joe Shields, oo hadda ah agaasimaha la-shaqaynta iyo shaqaaleysiinta ee Chelsea, ayaa ah ninka lagu tiriyo in uu soo bandhigay Sancho ka hor inta uusan uga soo dhaqaaqin Watford kuna biirin Manchester City 2015kii.
Waayihiisii ugu horeeyay ee Dortmund, markii uu tijaabiyay inuu noqdo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu da’da yar ee kubada cagta adduunka, wuxuu ahaa mid aan la ilaawi karin, isagoo dhaliyay 50 gool 137 kulan oo uu ku qaatay, isagoo kadib £73 milyan oo ginni oo uu ugu dhaqaaqay Old Trafford.
Waxa run ahaantii udub dhexaad u ah in Sancho uu ku raaxaysanayo ciyaarista kubbadda cagta mar kale.
Taasi waa waxa uu runtii rabo.