Alice Camepello oo ah Xaaska Xiddiga reer Spain ee Alvaro Morata ayaa difaacday dhaleecayn la buunbuuniyay oo uga imaanaysay warbaahinta Spain halka ay sii xoogaysanayso xanta ku saabsan suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqayo Milan.
Warbaahinta Spain iyo qaar ka mid ah taageerayaasha, ayaa dhaleeceeyay xiddiga , kadib markii uu bixiyay Wareysi uu ku sheegay inuu neceb yahay ka ciyaarista gudaha Spain.
weeraryahankii hore ee Juventus ayaa u sheegay El Mundo inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka ciyaaro meel ka baxsan Spain, wuxuuna ku daray wareysi labaad oo uu siiyay Cadena COPE inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah ka dib Euro.
Erayadiisa ayaa horseeday dhaleeceyn dheeri ah oo ka timid warbaahinta Isbaanishka.
Maqaal ay qortay El Confidencial ayaa si gaar ah u dhaawacay ciyaaryahanka Isbaanishka ee Alice Campello oo kasoo jeeda Italy.
Cinwaanka maqaalku wuxuu ahaa ‘Morata, kabtanka ceebeeya Spain, kaliya maahan heerkiisa liita ee Euro’.
Xaaska weeraryahanka ayaa ku jawaabtay dhowr hadalo oo Instagram ah lasoo dhigay.
Morata ayaa qandaraaskiisa Atletico Madrid waxaa uga haray labo sano, laakiin waxaa lagu burburin karaa 13 milyan euro oo ay Milan diyaar u tahay inay bixiso.
Rossoneri ay u soo bandhigtay xiddiga reer Spain heshiis gaaraya 4 milyan oo euro sanadkii oo gaaraya ilaa June 2027.
Xaaska Morata ayaa aad u difaacday xiddiga iyadoo muujisay in xiddiga uu ka baxayo gudaha Spain.