Khabiirka suuqa iibak ciyaartoyda ee Fabrizio Romano ayaa sheegay, in xaaladda Karim Benzema ee waddanka Sucuudigu ay cakiran tahay, lagana yaabo in laacibkani uu ka tago kooxdiisa Al-Ittihad oo uu dib ugu soo laabto qaaradda Yurub.
Xiddigan hore ee Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer Yurub ah, sida Arsenal, Manchester United iyo Chelsea, hase yeeshee waxa iyaduna dookh furan ah kooxdiisii hore ee Real Madrid oo weerarkeedu liito.
Benzema ayaa ku qasbanaan doona inuu mushaharkiisa si weyn hoos ugu dhimo haddii uu doonayo inuu dib ugu soo laabto Yurub, sababtoo ah ma jirto koox bixin karaysa mushaharka uu ka qaato Al-Ittihad oo gaadhaya €100 milyan oo Euro sannadkii, sida uu dhigayo qandaraaskii saddexda sannadood ahaa ee uu saxeexay lix bilood ka hor.
Fabrizio Romano ayaa waxa uu sheegay, in aanu wali caddayn mustaqbalka Karim Benzema oo ay kulamo yeelan doonaan maamulka kooxdiisa Al-Ittihad, iyadoo uu Benzema ka baaqday tababarka naadigiisa toddobaadyadii ugu dambeeyey.
“Waxa aan fahamsanahay in ay kulamo badan oo degdeg ah oo ku saabtan mustaqbalka Karim Benzema dhici doonaan. Xaaladdu wali way ku cakiran tahay Al-Ittihad. Maamuleyaasha kooxda horyaalka Sucuudigu waxay doonayaan in Karim Benzema uu sii joogo Sucuudiga, xataa waxa ay u ogolaan karayaan inuu amaah ku tago koox kale oo Sucuudi ah. In uu kusoo laabto Yurub waxay kaliya ku suurtogelaysaa inuu mushahar dhimis weyn sameey.” Ayuu yidhi Fabrizio Romano.
Karim Benzema ayaa muddo 17 maalmood ah ka habsaamay waqtigii loo qabtay inuu kusoo laabto tababarka kooxdiisa iyadoo la siiyey toban maalmood oo fasax ah, waxaana suurtogal ah inuu bishan January tago horyaalka Premier League oo si weyn ay u doonayaan Chelsea iyo Manchester United.