Marcus Rashford, oo muddo dheer ka tirsanaa Manchester United, ayaa wajahaya mustaqbal aan caddayn, iyadoo Alan Shearer uu iftiimiyay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan qaab ciyaareedkiisa iyo rabitaankiisa inuu sii joogto kooxda.
Rashford, oo 27 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku dhibaatoonayo qaab ciyaareed xumo muddo 18 bilood ah, taasoo keentay in warar soo baxaan oo sheegaya in United ay ka fiirsaneyso iibintiisa si lacag loogu helo dib u habeynta kooxda uu tababaraha u yahay Ruben Amorim.
Aragtida Alan Shearer:
Shearer, oo safiir u ah Betfair, ayaa sheegay in go’aanka ugu weyn uu yahay kan Rashford uu qaadan karo.
“Wuxuu noqday damiin aan hor u socod laheyn,ma garan karo waxa ka qaldan asaga.waxaa jira dhaawac maskaxiyan aanan annaga ogaan karin”
“Ma aha in la isweydiiyo haddii uu ku habboon yahay nidaamka Amorim, balse waa haddii uu doonayo inuu ku habboonaado,” ayuu yiri.
Waxa uu dad badan xusuusiyay in Rashford uu saddex sano ka hor dhaliyay 30 gool hal xilli ciyaareed, taasoo caddeynaysa kartidiisa. Si kastaba, Shearer wuxuu tilmaamay in tayadaas aan si joogto ah loo arag sannadihii dambe.
Shearer wuxuu sidoo kale ka hadlay arrinta maskaxda iyo niyadda Rashford, isagoo yiri:
“Waxa aan arkayo ma aha ciyaaryahan faraxsan. Waxaa muuqata in wax aan sax ahayn ay jiraan, laakiin isaga iyo tababaraha ayay tahay inay ka jawaabaan su’aalahaas.”
Rashford, oo xilli ciyaareedkan kaliya saddex gool dhaliyay tan iyo markii Ruben Amorim uu bedelay Erik ten Hag, ayaa rajeynaya inuu saameyn ku yeesho kulanka weyn ee Manchester Derby maanta.
United ayaa ku jirta marxalad muhiim ah oo dib-u-dhis ah, iyadoo iibka Rashford uu noqon karo go’aan weyn oo saameyn ku yeesha qorshahooda mustaqbalka.