Liverpool ayaa la yaaban Arnold kaddib markii uu “diiday dhowr dalab oo heshiis kordhin ah” si uu u fuliyo rabitaankiisa ku aaddan mustaqbal cusub.
Wararka ayaa sheegaya in Trent Alexander-Arnold uu “diiday dhowr dalab” oo heshiis kordhin iyadoo ay xiisaynayaan Real Madrid iyo Psg.
Alexander-Arnold, Mohamed Salah, iyo Virgil van Dijk dhammaantood qandaraaskooda waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli-ciyaareedkan.
Kooxda haysata horyaalka Yurub ee Real Madrid ayaa aad u xiisaynaysa inay Alexander-Arnold ku hesho heshiis xor ah, waxaana ay sidoo kale xiisaynayaan Alphonso Davies oo ka tirsan Bayern Munich.
Ka dib markii ay si xor ah kaga soo qaateen Kylian Mbappe kooxda Paris Saint-Germain xagaagii, tani waxay noqonaysaa guul kale oo usoo hoyatay Los Blancos. Alexander-Arnold, ayaa sheegay inuu doonayo inuu noqdo daafacii ugu horreeyay ee ku guuleysta Ballon d’Or.
Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in laacibka reer England uu “diiday dhowr dalab” oo heshiis kordhin ah oo uu ku sii joogayo Anfield, iyadoo ay xiisaynayaan Madrid iyo kooxda Faransiiska ee PSG.
Xiisaha PSG ayaa u muuqda mid sii kordhaya, waxaana laga yaabaa inay soo jiidato Alexander-Arnold, iyadoo kooxda reer Paris ay isku dayayso inay “ku qanciso” inuu imaado Kooxda ka dhisan Paris.
Liverpool waxay la yaaban tahay mowqifka uu qaadan doono Trent, oo 26 jir ah, kaasoo “damacsan inuu ka tago Anfield” dhammaadka xilli-ciyaareedka 2024/25.
Waxaa la sheegayaa in Madrid ay ahayd kooxdii ugu horreysay ee la xiriirta si ay u helaan saxiixiisa, balse waxaa hadda ku soo biirtay PSG, inkastoo ay heystaan Achraf Hakimi.
Warar kale ayaa soo jeediyay in kooxda reer Spain ay damacsan tahay inay “soo dedejiso” saxiixa Trent bisha Janaayo kaddib dhaawac jilibka kasoo gaaray Dani Carvajal, halka PSG ay qorshaynayso inay Alexander-Arnold ku xoojiso daafaceeda.
Dhaawac soo gaaray Lucas Vazquez ayaa Ancelotti kaga iman kara culeys, waxaana la sheegayaa in heshiiska lagu heli karo Alexander-Arnold xilliga suuqa kala iibsiga ee jiilaalka laga faa’ideysto.