Jude Bellingham ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay warbaahinta Isbaanishka kadib markii uu ku guuldarreystay inuu gool u dhaliyo Real Madrid sagaal kulan oo xiriir ah. Xiddiga reer England, oo xilli ciyaareedkii hore ku bilowday qaab cajiib ah, wuxuu sanadkan ku dhibtoonayaa inuu shabaqa soo taabto, taasoo walaac dhalisay.
Intii lagu jiray guushii 2-1 ee Real Madrid ay ka gaartay Celta Vigo, Bellingham wuxuu u muuqday mid niyad-jabsan, gaar ahaan markii uu si cad uga caroodey saaxiibkiis Vinicius Junior oo go’aansaday inuu goolka toogto halkii uu kubadda u dhiibi lahaa isaga, taasoo keentay inuu Bellingham caro saa’id muujiyo. Vinicius ayaa goor dambe iska khaladkiisa ku saxay kaddib markii uu dhaliyay goolka guusha.
Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa diiradda saaray gool la’aanta Bellingham, iyagoo tilmaamay sida loogu xiisay dabaaldegii caanka ahaa ee goolashiisa. Bellingham ma uusan shabaqa taaban tan iyo 14-kii May. Waxay arrintan keentay in si weyn loo eego qaab ciyaareedkiisa.
Warbaahinta Spanish ka qaarkood ayaa aaminsan in Real Ay ku khaldaneed in lacag farabadan kula soo wareegto Bellingham. Waxey goor sii horreysay isku raaceen in Bellingham mar un fashilmi doono inta uu ku sugan yahay Real.
Hase yeeshee, tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, uma muuqdo inuu ka walaacsan yahay gool la’aanta Bellingham, isagoo ammaanay shaqadiisa adag iyo sida uu kooxdiisa uga qayb qaadanayo ciyaaraha. Ancelotti wuxuu sheegay in doorka uu hadda hayo uu ka muhiimsan yahay tirada goolasha uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore.
Iyadoo ay foodda is dari doonaan Borussia Dortmund oo ah kooxdii hore ee Bellingham, ciyaarta Champions League-ka ee soo socota, xiddigan wuxuu doonayaa inuu soo afjaro gool la’aantiisa kahor kulanka El Clasico ee Barcelona toddobaadka soo socda.