Taageerayaasha Man United oo si weyn u dhaleeceeyay Lisandro Martinez kaddib guuldarro ka soo gaartay Nottingham Forest
Manchester United ayaa wajahday caro ka timid taageerayaasheeda kaddib guuldarradii 3-2 ee lama filaanka ahayd oo ay ka soo gaartay Nottingham Forest, iyadoo bartilmaameed gaar ah laga dhigtay daafaca reer Argentina, Lisandro Martinez.
Kooxda Ruben Amorim ayaa Old trafford ku soo gaartay guuldarro layaab leh,taasoo ahayd middoodii lixaad ee xilli ciyaareedkan Premier League. Nikola Milenkovic ayaa gool madax ah ka dhaliyay, si uu Forest u hoggaamiyo qeybta hore ee ciyaarta.
Rasmus Højlund ayaa Red Devils u keenay barbaro, laakiin qeybtii labaad ayay kooxda martida ah si xooggan ugu soo laabatay ciyaarta, iyadoo labo gool ku keentay muddo todobo daqiiqo gudahood. Morgan Gibbs-White ayaa Forest hoggaanka u dhiibay, ka hor inta Chris Wood uu goolka saddexaad dhalin.
Lisandro Martinez ayaa wajahay eedeymo badan kaddib markii uu ku lug yeeshay labada gool ee dambe. Daafaca ayaa ku guuldareystay inuu Nikola Milenkovic ka celiyo koornadii uu goolka u badalay, wuxuuna sidoo kale si lama filaan ah ugu oggolaaday kubbadda inay dhaafto ayadoo ahayd inuu ka hortago madaxii Chris Wood.
Taageerayaal badan ayaa dareenkooda ka dhiibtay baraha bulshada:
Mid ka mid ah isticmaalayaasha X ayaa qoray: “Martinez waa inuu baxaa. Waa mid aad u liita.”
Mid kale ayaa yiri: “Ma rumeysan karo in Lisandro Martinez la barbar dhigi jiray ciyaartoyda sida Virgil van Dijk iyo Saliba.”
Qof saddexaad ayaa raaciyay: “Hadda ayaan arkaa sida uu Martinez ugu liito difaacashada kubbadaha koornada.”
Qof afraad ayaa qoray: “Haa, Lisandro Martinez, waad fiicnayd, laakiin hadda waa waqtigii aad bixi lahayd.”
Lisandro Martinez ayaa ku soo biiray Manchester United xagaagii 2022, isaga oo ku yimid heshiis qiimihiisu ahaa £57 milyan. Tan iyo markaas, wuxuu u saftay kooxda 77 kulan oo dhammaan tartamada ah, laakiin qaab ciyaareedkiisa ugu dambeeyay ayaa dhalisay su’aalo adag oo ka imaanaya taageerayaasha.