Xiddigii hore ee xulka qaranka England Joe Cole ayaa u sheegay Arsenal inay la soo wareegto Marcus Rashford oo ka tirsan Manchester United.
Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa qaba fikradda ah in Rashford uu saxiix weyn u noqon karo Gunners, kuwaasoo lagu soo waramayo inay doonayaan inay xoojiyaan weerarkooda.
Cole ayaa u sheegay TNT Sports in Arsenal ay tahay inay diirada saarto sidii ay u keeni lahayd xiddig tayo sarre oo xoojiya weerarkooda.
Wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in Marcus Rashford laga yaabo in Manchester United uu ka dhaqaaqo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee January.
Waxa uu noqon lahaa saxiixa ugu weyn Arsenal ee ay ku xoojin karto dhanka weerarka, Waa inay ka shaqeeyaan saxiixiisa “ ayuu yiri Cole.
Bukayo Saka iyo Kai Havertz ayaa ka soo muuqday garabka midig ee weerarka Arsenal xili ciyaareedkaan, laakiin garabka bidix ayaa weli ah meel ay caqabad weyn ka jirto.
Isku dheelitir la’aanta Gabriel Martinelli ayaa keentay su’aalo ku saabsan mustaqbalkiisa Arsenal, waxaanan Cole uu kula taliyay Arteta inuu Rashford booskaas u adeegsado.