Michel Platini ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu “ku wareersan yahay garoonka” isagoo u ciyaaraya Real Madrid, laakiin wuxuu ku kalsoon yahay in xiddiga reer France uu ka jawaabi doono qaab ciyaareedka xun ee uu ku sugan yahay kaddib markii uu rigoore ka khasaariyay Real kulankii Liverpool.
Mbappe ayaa wajahaya dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan qaab ciyaareedkiisa ugu dambeeyay ee Real Madrid, gaar ahaan bandhiggiisii kulankii Champions League ee ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay Liverpool, markaas oo rigoore uu tuuray uu badbaadiyay Caoimhin Kelleher.
25-jirkan ayaa hal gool oo kaliya dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeeyay tartammada oo dhan, iyadoo Platini uu qirtay in xiddiga ay isku waddanka yihiin uu wajahayo waqti adag.
Si kastaba ha ahaatee, halyeyga France Michel Platini ayaa ku dhiirrigeliyay Mbappe inuu ka soo kabsado duruufaha adag oo uu muujiyo inuu yahay “Xiddig weyn.”
Sida ay ku warrantay Football Espana, Platini ayaa yiri: “Waxaan arkaa isaga oo ku wareersan garoonka. Si kastaba ha ahaatee, halyeeyada waaweyn waa inay dib uga soo kabsadaan xaaladaha adag. Taasi waa waxa ka dhigi doona Kylian halyeey weyn.”
“Waxaan ku kalsoonahay in tani ay tahay kaliya caqabad yar oo uu ka gudbi doono isaga.”
Mbappe, oo xagaagii ku biiray Real Madrid kaddib muddo dheer oo lala xiriiriyay, ayaa wajahaya duruufo adag oo aysan wax walba u socon sidii loogu talagalay.
Weeraryahankan ayaa 12 kulan oo uu ka ciyaaray LaLiga xilli ciyaareedkan dhaliyay 7 gool, laakiin wuxuu hal gool oo kaliya ku dhaliyay 5 kulan oo Champions League ah.