Macalinka Arsenal, Mikel Arteta ayaa sheegay inuu u fasaxay Emile Smith Rowe iyo Fabio Vieira, si uu usoo dalacsiiyo wiilka yar ee Ethan Nwaneri.
Smith Rowe waxa uu Fulham ugu biiray heshiis joogto ah isaga oo kaga dhaqaaqay Arsenal lacag dhan 34 milyan oo gini.
Laakiin ciyaaryahanka reer Portugal ee Vieria ayaa amaah hal xilli ciyaareed ah kula jooga kooxdiisii hore ee FC Porto.
Kahor kulanka Arsenal ee isbuucaan Arsenal wajihi doonto kooxda Smith Rowe ee Fulham, Arteta wuxuu yiri: “Waxay ahayd go’aan adag inaan ku fasaxo Emile, shaqsi ahaan waxaan aad ugu mahadcelinayaa wixii uu u qabtay kooxda.
“Laakiin markasta ciyaartoydu waxay u baahan yihiin inay ciyaaraan, waxa uu soo maray waqtiyo aad u adag oo dhib badan oo dhaawac ah markii aan wada joognay.
Wuxuuna u baahday bilow cusub, waa wax iska caadi ah, waan fahannay isaga rabitaankiisa, waana u ogolaanay inuu ka tago kooxda “ayuu yiri Arteta.
Sidookale waxaan u ogolaanay Fabio inuu Amaah ku baxo si aan ugu abuurno fursad qolka labiska iyo boos kooxda koowaad Ethan Nwaneri.
Waxa uu ina siiyay sabab dhab ah oo aan isaga ku aamino, waxa uu muujiyay in uu diyaar u yahay in uu kooxda koowaad u ciyaaro “Arteta ayaa yiri.