Enzo Maresca Oo Dhaleeceeyay Noni Madueke Inkastoo Gool Uu Dhaliyay Kulankii Southampton.
Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa dhaleeceeyay xiddiga garabka ka ciyaara ee Noni Madueke inkastoo uu ka mid ahaa gooldhaliyeyaasha kulankii ay Blues 5-1 ku garaaceen Southampton. Maresca ayaa sheegay in Madueke uu leeyahay karti uu wax badan ku sameeyo, balse uu hoos u dhaco marka uu billoowo inuu ku qanacsanaado bandhigiisa.
Chelsea, oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League kaddib Liverpool, ayaa bandhig cajiib ah ku soo bandhigtay St. Mary’s, iyadoo taageerayaashoodu ay ku dhawaaqayeen, “Chelsea-da cusub ayaan dib u helnay.”
Si kastaba ha ahaatee, Maresca ayaa ka hadlay sababta uu Madueke uga reebay safka kulankii hore ee Aston Villa, isagoo sheegay:
“Noni wuu sameyn karaa wax badan. Marka uu gool dhaliyo ama caawin sameeyo, wuu farxaa oo markaas ayuu hoos u dhacaa. Sababta uu u safan waayay toddobaadkii hore waa inaanan jeclaysan sida uu tababarka uga shaqeeyay.”
Madueke, oo kulankan dib ugu soo laabtay shaxda iyadoo Maresca uu sameeyay toddobo beddel, ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay tan iyo bishii October. Si kastaba ha ahaatee, tababaruhu wuxuu ka digay in xiddigan uu ka fogaado raaxeysiga si uu u gaadho awood buuxda.
Chelsea ayaa weli isku dayaysa inay cadaadiska ku sii hayso Liverpool, iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan oo dib u soo celisay rajada taageerayaashooda.