Xiddiga Liverpool Alexis Mac Allister oo la ‘dacweynayo’ si magdhaw looga helo laba sano kadib markii uu ‘ furay saaxiibtiis’
ALEXIS MAC ALLISTER ayaa ka hadlay dacwad ay ku soo oogtay gabadhii hore ee uu la socday kadib markii uu ka tagay dhowr maalmood kadib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka.
Xiddiga Liverpool, oo 25 jir ah, ayaa dacwad ku furtay gabadhii uu hore u jeclaa, Camila Mayan.
Gabadhan Model-ka ah, oo muddo shan sano ah xiriir la laheyd laacibkan khadka dhexe, ayaa dalbanaysa magdhaw dhaqaale maadaama ay muddo dheer ku wada noolaayeen dalal shisheeye.
Waxay sidoo kale ku eedeysay inuu haysto alaabteeda oo uu khiyaano kula kacay Ailén Cova, oo ah lammaantiisa haatan iyo saaxiibtii carruurnimada.
Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka hadlayay arrintan kahor ciyaartii Argentina iyo Paraguay, Mac Allister ayaa daboolka ka qaaday xaaladda xiriirka.
Sida laga soo xigtay wargeyska The Mirror, wuxuu yiri: “Xiriir dambe ma jirin. Iyadu waddo ayay qaadday, aniguna waxaan raacay tii aan ku socday, taas ayaana ah sida ay tahay.
“Arrinta kale ee(dacwadda), waxaa ku jirta maxkamad halka ay ku habboon tahay, waxaana sugaynaa go’aanka.
“Waqtigaas waxaan ka wada hadalnay wixii loo baahnaa in laga hadlo, laakiin si cad waxay ahayd go’aankeeda, wax walbana waa hagaagsan yihiin.”
Mac Allister ayaa rumeysan in uu ahaa go’aanka Mayan inay si fagaare ah u shaaciso khilaafka xiriirkooda, balse wuxuu beeniyay eedeymaha ah inuu khiyaano sameeyay.