Halyeeygii hore ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal William Gallas ayaa si naxariis darro ah ugu gacan seeray daafaca William Saliba xili uu dooranayay sida ay u kala horeeyaan saddexda difaac ee ugu sarreeya waqtigaan Premier League.
Gallas ayaa sheegay in xiddiga Arsenal uu sameeyay qalad aad u badan kulamadii ugu dambeeyay’ isaga oo magacaabay kuwo kale marka ay timaado kuwa hadda ugu fiican Premier League.
Saliba, oo 23 jir ah, ayaa udub dhexaadka u ahaa kooxfa tababare Mikel Arteta tan iyo markii uu ka soo laabtay amaah uu kula joogay Marseille 2022, isagoo 27 milyan ginni seddex sano ka hor ugu soo biiray Arsenal.
Saliba ayaa dad badani u arkaan inuu yahay daafaca dhexe ee ugu fiican Premier League, iyagoo xitaa barbardhiga taageerayaasha qaar Virgil van Dijk oo u ciyaara Liverpool.
Gabriel Magalhaes oo ka tirsan Arsenal,” ayuu halyeyga Faransiiska u arkaa inuu kusoo bixi kara kan ugu horeeya liiska saddexda difaac ee ugu fiican Premier League. “wuxuu u dhaliyay Arsenal goolal aad u muhiim ah sidoo kale waa ciyaaryahan leh daafacsho iyo hogaamin fiican” ayuu yiri Gallas.
“Ibrahima Konate ayaa isna kusoo baxay booska labaad ee xulashada Gallas, wuxuu yiri” wuxuu aad ugu fiicnaa Liverpool xilli ciyaareedkan iyo kuwii ka horeeyay. waa nin dagan oo qalad badan ka sameyn ciyaaraha” ayuu leeyahay Gallas.
Kan ugu dambeeya ee xulashadeyda waxaan jeclaan lahaa inaan ka dhigo Saliba, laakiin waxa uu sameeyay qaladaad badan maalmahaan, ma ciyaarayo kubaddiisii ugu fiicneyd ee lagu bartay, marka ma dhihi karo waa mid ka mid ah seddexda daafac dhexe ee ugu fiican. ka dib sideed kulan oo Premier League laga ciyaaray.