Kabtankii hore ee Los Blancos ayaa qiray in Vini uu si layaab leh u horumaray ilaa uu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka.
Xiddigii hore ee xulka Spain ayaa sidoo kale muujiyay rajadiisa ah in laacibka reer Brazil uu sii joogo kooxda, inkastoo kooxaha Sacuudiga ay xiiso weyn u hayaan.
Casillas ayaa aaminsan in Vinicius Jr. uu la kulmay dhaleeceyn xooggan bilowgii xirfaddiisa Real Madrid, ka hor inta uusan si xoogan uga jawaabin kuwii shakiga geliyay xirfaddiisa.
“Anigoo ah taageere Real Madrid ah, waxaan jeclaan lahaa in Vinicius uu Madrid sii joogo. Wuxuu sameeyay horumar cajiib ah tan iyo markii uu yimid.
“Bilowgii, mararka qaar waa lagu qosli jiray oo lagu maadsan jiray, laakiin isagu wuxuu isku beddelay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waxaana rajeynayaa in uu sidaas sii ahaado,”ayuu Casillas ku yiri Mundo Deportivo.
Laacibka reer Brazil ayaa kaga soo biiray Real kooxda Flamengo sanadkii 2018, wuxuuna toddobo sano ku qaatay Santiago Bernabeu.
Vinicius Jr. ayaa Real Madrid u horseeday guulo waaweyn oo gudaha iyo Yurub ah.