Hal sano ka hor, Alejandro Garnacho ma ahayn magac caan ah oo ku jira xaashida kooxda Manchester United, oo inta badan wuxuu iska fadhiyay kursiga keydka.
Waqtigiisii horumarka wuxuu yimid kulankii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Newcastle United November 1, 2023, taasoo kaliya u aheyd markiisii afaraad ee uu ku bilowdo xilli ciyaareedka.
Si degdeg ah isbuucii xigay, wuxuu mar kale ku soo bilaawday kulankii Fulham, wuxuu wixii intaas ka dmabeeyay fure u noqdo safka United.
Finalkii FA Cup-ka ee ka dhacay Wembley oo ay ka qaadeen kooxda Manchester City, Garnacho ayaa loo diiwaan galiyay inuu u ciyaaray kooxdiisa 38 kulan oo xiriir ah, rikoorkaas oo uu ku dhaafay xitaa kabtanka kooxda Bruno Fernandes, kaasoo 31 kulan ciyaaray ololaha dhan.
Ciyaaryahanka weli cagihiisa dhulka si fiican uma qaban, inkastoo uu leeyahay xirfad cajiib ah, hadda waa dhalinyaro oo maskaxiyan ayay wax badan u harsan yihiin.
wuxuu xitaa ka caraysiiyay Casemiro oo khadka dhexe ka ciyaara isagoo si taxadar la’aan ah u lumiyay kubad diilinta ganaaxa Chelsea, mana soo raacan taaoso Casemiro ku qasbay inuu galo loolan taxadar la’aan ah oo uu ku qaatay kaarka jaalaha ah.
Laakiin mrakasta Garnacho waa mid aan la dafiri karin awoodiisa weerarrada rogaal celinta ah celcelis ahaan 3.51 darbo ayuu isaga la lahaa 90kii daqiiqo Premier League xilli ciyaareedkii hore, isaga oo hogaaminaya asxaabtiisa kooxda sidookale hal-abuurka wuxuu ka qeyb qaatay 3.83.
Si kastaba ha noqotee, waxaa xusid mudan in qaladaadkiisii xilli ciyaareedkaan culeys weyn ku noqdeen kooxda, taasoo keentay Erik Ten Hag in la ceyriyo.
Maaddaama mowjadaha ay beddeleen magacaabista Ruben Amorim, waxaa dib u qaabayn lagu sameyn karaa doorka Garnacho.
Dookhyada taatikada Amorim ayaa laga yaabaa inay Garnacho meesha ka saarto, iyadoo Luke Shaw iyo Tyrell Malacia ay hal boos ku dagaalami karaan xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina.