Sky Germany ayaa ku warameysa in Ten Hag ay ka fiirsaneyso magcaabistiisa kooxda Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig hadii ay doortaan inay ceyriyaan tababaraha haatan maamula ee Marco Rose oo ku jira qaab ciyaareed xun.
Leipzig ayaa laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana suurta gal ah in ay sameyso isbedel deg deg ah maalmaha soosocda.
Waxa ay guuldarro 5-1 kala kulmeen gurigooda kooxda Wolfsburg kulan ka tirsanaa horyaalka Bundesliga, taasoo shaki badan galisay mustaqbalka tababaraha lagu magcaabo Marco Rose.
Leipzig ayaa hadda fadhida booska afraad ee kala sarreynta Bundesliga, laakiin waa in natiijooyinka kooxda isbedelaan haddii ay doonayaan inay meel sarre ku dhameystaan.
Warbixin soo baxday ayaa lagu sheegay in tababarihii hore ee Benfica Roger Schmidt sidoo kale la rumeysan yahay inuu u sharaxan yahay shaqada RB Leipzig ka dib markii uu ka tagay kooxda reer Portugal dhamaadkii xili ciyaareedkii hore .
Ten Hag oo laga eryay shaqada Man United bishii October ka dib markii uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedkiisii seddexaad ee Old Trafford ayaa ah shaqsiga ugu cadcad ee booskaan loo magcaabi karo.
Tababaraha reer Holland ayaa lagu bedelay Ruben Amorim oo ka tagay Sporting Lisbon, iyadoo Man Utd hadda ay isbedel badan oo dhanka natiijooyinka ah sameysay.