Halyeeyga Premier League Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday in Mikel Arteta uu koobiyeeynayo taatikadiisii laadadka xorta iyo koornooyinka.
Arsenal ayaa lagu amaanay sida ay halis ugu yihin koornooyinka iyo laadadka xorta ah.
Xaqiiqdiina ma jirto koox 23 gool ka heshay laadadka xorta ah iyo 16 gool oo koorno ah laga soo bilaabo xilli ciyaareedkii hore Premier League oo aan ka aheyn Arsenal.
Laakiin Rooney ayaa sheegay in Arteta uu xadayo taatikadiisa ka dib markii uu soo bandhigay gool ay Arsenal dhalisay oo la mid ah gool ay kooxdii uu Rooney tababaraha u ahaa ee Derby ay dhalisay afar sannadood ka hor.
Isagoo u hadlayay barnaamijka Stick To Football waxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay laadadka xorta ah iyo koornooyinka, tababaraha kooxda Plymouth, Rooneya ayaa yiri: “Koornooyinka iyo laadadka xorta ah waa muhiim, inta kulan ee ay lagu badiyay ama lagu guuldareystay waa wax aad u badan.
“Aniga ayaa la imid fekrado qariib ah. Goolkii ay Arsenal dhaliyeen, aniga ayaa sidaas keenay afar sannadood ka hor waxaan ka dhalinay Middlesbrough.” ayuu yiri Rooney oo tixraac ka dhiganayay goolkii madaxa ahaa ee Gabriel Magalhaes uu ka dhaliyay Manchester City.
Kulankii Etihad Stadium ee bishii la soo dhaafay, ciyaartooy badan oo Arsenal ayaa istaagay meel ka durugsan goolka markii ay koorno soo tuuranayeen, laakiin markii kubada la soo qaaday waxay sidii daadkii oo kale u soo galeen xerada ganaaxa taasoo u sahashay in daafaca uu kubada madax ku dhaliyo.
Waa taatiko uu Rooney la yimid islamarkaana isticmaalayay waqtigiisii uu tababaraha ka ahaa Derby.