Viktor Gyökeres, weeraryahanka Sweden ee Sporting Lisbon, ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu weyn ee kubada cagta Yurub.
Awoodiisa gooldhalinta ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu sareeya qaarada yurub.
PSG ayaa u muuqata inay hogaamineyso tartanka loogu jiro gooldhaliyahaan, iyada oo ay jiraan dhibaatooyin badan oo heysta kooxda Parisi.
PSG ayaa u aragta weeraryahanka Viktor Gyökeres mid wax badan ka bedeli kara dhibaatada gooldhalinta ka heysta kooxda tan iyo markii uu baxay Mbappe.
26 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Portugal, isaga oo fure u ah safka Sporting.
Awoodiisa jireed, oo ay weheliso farsamo cajiib ah iyo nasiib gool-dhalineed oo dabiici ah, ayaa ka dhigtay mid soo jiitay indhaha kooxaha Yurub.
PSG, waxay durba ka shaqeyneysaa dalab rasmi ah oo ay ku qanciso bisha Janaury kooxda Lisbon iyo ciyaaryahanka labadaba.