Arsenal ayaa iska lumisay fursad ay ku soo yareyn kartay farqiga dhibcaha ee ay ka sareyso Liverpool ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Fulham kulan ka tirsan Premier League Axadii.
Bukayo Saka ayaa ku sigtay in uu guul ku hogaamiyo Gunners daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta markii uu madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Gabriel Martinelli.
Si kastaba ha ahaatee, baaritaan dheer oo VAR ah ka dib, goolka waa la diiday. 23-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ku jiray Offside sida lagu xaqiijiyay baaritaanka.
Pundit Ally McCoist oo ah falanqeeye ciyaaraha ah ayaa u sheegay talkSPORT, “Waxay ahayd fursad qurux badan oo ka timid Martinelli, laakiin ma jirto wax cudur daar ah goolku wuxuu ahaa offside.
“Waxaan si toos ah u daawanayay ciyaarta Way i waaleysaa Arsenal sanadkaan” ayuu hadalkiisa raaciyay falanqeeyahaan.
Kadib kulankii Merseyside derby ee Liverpool iyo Everton oo dib loo dhigay, Arsenal ayaa heshay fursad wayn oo ay ku soo yarayso farqiga dhibcaha ee ay ka sareyso Reds.
Si kastaba ha ahaatee, waxay ku dhibtoodeen inay abuuraan fursado cad oo ku filan in ay ku guuleystaan Gunners ciyaartii Fulham.
Raul Jimenez ayaa dhaliyay goolkiisii lixaad ee xilli ciyaareedkan isaga oo hogaanka u dhiibay Fulham 11 daqiiqo markii ay soctay ciyaarta.
William Saliba ayaa dib u soo celiyay goolkii barbaraha Gunners oo ku yimid koorno uu soo tuuray Declan Rice, Gunners ayaana haatan lix dhibcood ka dambeysa Liverpool oo kulan baaqi ah heysata.
Natiijo niyad jab ayay u ahayd Arsenal, barbarihii Fulham, waana sababta ay u leeyihiin taageerayaasha kooxda tani waa na waaleysaa sanadkaan.