Bukayo Saka ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kooxda Arsenal aysan cabsi ka qabin inay si cad u sheegaan hamigooda ah ku guuleysiga Premier League ama Champions League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku dhameysatay kaalinta labaad iyagoo ka dambeeyay Manchester City, iyadoo sanadkan ay ku jiraan kaalinta saddexaad dhammaadka xilliga fasaxa.waxey lix dhibcood u jiraan hogaanka.
Gunners-ka ayaa dib ugu soo laabtay Champions League xilli ciyaareedkii hore markii ugu horreysay muddo lix sano ah, iyagoo gaaray wareegga siddeed dhammaadka.
Waxaa afar sano laga joogaa markii ugu dambeysay ee Arsenal ku guuleysato koob weyn, waxaana Saka uu go’aansaday inuu kooxdiisa u horseedo soo afjaridda abaartaas xilli ciyaareedkan.
“Kama cabsi qabno. Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay waxaan u tartamnay horyaalka, waxaana u soo dhowaanay inaan ku guuleysanno,” ayuu Saka u sheegay BBC Sport.
“Waxaan sidoo kale ku soo laabanay Champions League – hadda waxaan leenahay waayo-aragnimo halkaas ah – sidaas darteed waxaan dareemeynaa inaan diyaar u nahay inaan u tartanno koob kasta.
“kama cabsi qabno inaan sheegno inaan dooneyno inaan ku guuleysano.”
Saka wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu qaado tallaabada xigta oo uu ku guuleysto koob weyn.
“Runtii waxaan rabnaa inaan qaadno tallaabada xigta oo aan isku dayno inaan wax ku guuleysano.”
Saka ayaa ka mid ahaa kooxda Arsenal ee ku guuleysatay FA Cup 2020, balse sidoo kale waxa uu soo maray niyad-jab labo jeer oo ay ku guuldarreysteen finalka tartanka Yurub, iyo laba jeer oo ay ku dhammeysteen kaalinta labaad ee Premier League.