Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qirtay xaaladda xun ee kooxdiisa kadib markii Red Devils ay hoos ugu dhacday kaalinta 15-aad ee jadwalka Premier League kaddib guuldarradii ay kala kulmeen Tottenham.
Kooxda Amorim ayaa si liidata uga soo muuqatay ciyaartii ay la yeesheen kooxda Ange Postecoglou, iyadoo ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Spurs kaddib gool uu James Maddison ka dhaliyay daqiiqaddii 13-aad, taasoo uu si fudud uga adkaaday goolhaye Andre Onana. Hadda, Red Devils waxay hoos ugu dhacday kaalinta 15-aad ee kala sarreynta Premier League, taasoo hal boos ka hooseysa meesha uu kaga tagay Erik ten Hag kahor inta uusan Amorim xilka la wareegin.
Tababaraha reer Portugal ayaa hadda si furan u qirtay in “wax walba ay si xun u socdaan” intii uu hoggaanka u hayay United.
Kooxda Amorim waxay u safartay Waqooyiga London iyadoo ay ka maqan yihiin 12 ciyaaryahan oo muhiim ah, maadaama ay kooxdu weli la daalaa-dhacaysay dhibaatooyinka dhaawacyada.
Markii uu la hadlayay saxaafadda, Amorim ayaa yiri: “Mar walba waxaan codsanayay hal toddobaad oo tababar ah, laakiin toddobaadkaas gudihiisa waxaan waayney ciyaartoy. Waa waqti ay wax walba si xun u socdaan. Bilowgii toddobaadka, waxaan haynay koox diyaar u ah tababarka, laakiin maalin kasta waxaan luminay ciyaartoy. Ma rabo in aan taas cudur-daar ka dhigo. Tababare kasta adduunka wuxuu la kulmaa dhibaatooyin sidan oo kale ah. Waa inaan wajahnaa caqabadaha.”
“Dabcan [waxaan dareemayaa niyad-jab], aniga iyo taageerayaashayaduba. Laakiin waa inaan joojino diiradda saaridda sawirka weyn. Hadda ma ahan waqtigii loo eegi lahaa arrintaas. Waa inaan diiradda saarno kulanka xiga, wax walba u sameyno si aan u guuleysano, si aan si wanaagsan ugu dhammeysanno xilli-ciyaareedka.”