Bernardo Silva ayaa ku tuuray bam aan caadi ahayn City ka dib markii la xasuuqay kulankii Sporting.
Bernardo Silva ayaa saxaafada la hadlay ka dib markii Manchester City laga badiyay kulankii seddexaad oo xiriir ah.
Bernardo Silva ayaa si aan caadi ahayn u soo koobay xaalada ay haatan ku sugan tahay Manchester City ka dib markii kooxda Pep Guardiola 4-1 loogu awood sheegtay kulan ka tirsan Champions League.
Guuldaradan ayaa daba socotay guuldarooyin ka soo gaaray Spurs iyo Bournemouth, halkaas oo City ay sidoo kale ku khasaarisay fursad ay ku qaban kartay hoggaanka horyaalka.
Ka dib markii 26 kulan oo xiriir ah oo aan laga badinin Champions League ay soo idlaatay, ciyaaryahanka khadka dhexe Silva ayaa daacad ka ahaa sida ay xaaladu u xun tahay xilligan.
“Waxaan hadda ku jirnaa meel mugdi ah, wax walbana waxay u muuqdaan inay ku socdaan qaab khaldan,” ayuu u sheegay TNT Sports.
“Xitaa marka aan si fiican u ciyaareyno ma dhalino goolal, si fudud ayaana nalooga dhaliyaa goolal.
“Marka hubaal waxaan u baahan-nahay inaan isku laabanno si aan u hubino waxa aanan si fiican u shaqeyn oo aan si dhaqso ah u soo kabsano haddii kale way adkaan doontaa inaan ka soo laabanno khasaarahan.
“Way adagtahay in loo helo sabab waxa nagu dhacaya, ma xasuusto markey aheyd in kooxda laga badiyo saddex kulan oo isku xigta markey aheyd, waxayna u egtahay in wax walba ay ku socdaan qaab khaldan.
City ayaa gashay kaalinta lixaad ee kala sarreynta guud ahaan kala sarreynta Champions League, iyadoo labo guul, barbaro iyo guuldarro la kulantay afar kulan oo ay ciyaartay.
Waxa ay laba dhibcood ka hooseeyaan hogaamiyayaasha Premier League ee Liverpool, waxaana ay eegi doonaan inay dib uga soo laabtaan guuldarradii sporting, safarka adag ee ay ku aadayaan Brighton kulanka fiidnimada Sabtida.