Nemanja Vidic ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhowaa inuu ku biiro Liverpool ka hor inta uusan Sir Alex Ferguson uga wicin Manchester United, oo uu ugu dambeyn noqday halyeey United laga jecel yahay.
Vidic, oo u dabaal degaya dhalashadiisa 43-aad, ayaa u ciyaaray Manchester United intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2014 ka dib markii uu kaga soo biiray Spartak Moscow.Isagoo la hadlayay FourFourTwo, difaaca reer Serbia ayaa xaqiijiyay inuu ku dhowaa inuu u wareego Liverpool.
“Rafa Benitez, oo markaas ahaa tababaraha Liverpool, ayaa ii soo wacay, waxaana aad u xiiseynayay inaan halkaas aado,” ayuu qirtay Vidic.
“Laakiin markii dambe Sir Alex Ferguson ayaa iga soo wacay gurigiisa isagoo ii sheegay inuu doonayo inaan Manchester United imaado, kadib markii uu daawaday ciyaar aan u ciyaaray xulkeyga Serbia. ”
United ayaa si deg deg ah ugu dhaqaaqday soo xero gelinta daafaca iyadoo wax walbana lagu dhameeyay labo maalmood gudahood.