Howard Webb ayaan wax saameyn ah ku yeelan go’aankii casaanka uu ku qaatay William Saliba intii lagu jiray kulankii Arsenal ay la ciyaartay Bournemouth, sida laga soo xigtay Professional Game Match Officials Limited (PGMOL).
Dhacdadan ayaa imaatay kadib markii jaale loo taagay Saliba khalad uu ku galay Evanilson aawadeed, laakiin go’aanka ayaa markii dambe loo bedelay kaadhka cas, maadaama Saliba uu hor istaagay fursad gool cad ah kadib markii dib loo eegay VAR.
Webb, ayaa lagu arkayay tarabuunka, isaga oo isticmaalaya taleefoonkiisa gacanta iyo aaladda dhageysiga codadka ciyaartooyda ee garoonka intii lagu guda jiray eegista VAR, waxaana la sheegay in kaliya uu dhageysanayay hadalladii ay isdhaafsadeen garsooraha iyo Saliba.Webb ayaa sheegay islamarkaana in uusan wax lug ah ku laheyn go’aankii kasoo baxay VAR.
Arrintan ayaa muran ka dhashay kadib markii daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher uu qoraal ku muujiyay In ay jirto suurtagalnimada ah in Webb uu ku lug lahaa go’aankii kama dambeysta ee kasoo baxay VAR.
Si kastaba ha ahaatee, PGMOL ayaa caddeysay in madaxa garsoorayaasha uusan wax saameyn ah ku laheyn go’aankii horseeday kaarka casaanka. PGMOL waxey kaloo xaqiijisay in go’aanka uu ahaa mid madax banaan oo uu gaaray garsoore Rob Jones.
Arsenal ayaa qaadatay saddex kaar oo casaan ah siddeedii kulan ay ciyaartay xilli ciyaareedkan.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay natiijooyinka hoose ee kooxdiisa, isagoo qiray in ku ciyaarista 10 nin ay adkeyneyso iney helaan dhibco.
Inkastoo dadaal ay muujiyeen ciyaartoydiisa, Arteta wuxuu carabka ku adkeeyay inay u baahan yihiin inay wax ka bartaan khaladaadkooda.