Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee kooxda Chelsea ayaa si xun u dhaleecayay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.
John Obi Mikel ayaa weerar ku qaaday weeraryahanka kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu ka soo muuqday kulamo badan oo ka mid ahaa tartanka Euro, gaar ahaan wuxuu aad u dhaliilay ciyaartii Portugal ay guuldarada 2-0 ah ka soo gaartay xulka Georgia.
Portaqiisku, oo qaab ciyaareed fiican ku riyaaqay xilli ciyaareedkii 2023-24 ee Al-Nassr, ayaa waqti adag ku qaatay Jarmalka intii lagu jiray ololihii Euro 2024 ee Portugal.
Waxa uu ku guuldareystay inuu gool dhaliyo shan kulan oo uu u saftay tartanka, lakiin waxa uu ku guuleystay inuu gool ka caawiyo Bruno Fernandes.
Wareysi dheer uu bixiyay Obi Mikel waxa uu kaga hadlay ololihii ugu dambeeyay Ronaldo ee Portugal.
Xiddiga Labbada jeer ku guuleystay Premier League ayaa si faahfaahsan uga hadlay cida ah goatka ugu fiican wuxuuna yiri:-
“Xitaa haddii aad tahay taageere Lionel Messi, ixtiraam ayaa leedahay.
Labadoodaba makala jecli , qof walba ra’yi ayuu leeyahay.
Waxaan qabaa ra’yigayga ku saabsan cidda aan u malaynayo in waqtiga ugu wanagsan uu ku jiro lana dhihi karo Waa Goat, way iska cadahahay.
Messi waxa uu mar kale Copa America la qaaday Argentina oo uu ku hogaamiyay hanashada.
Dabcan, Ronaldo, waxaad dhihi kartaa wuxuu qaatay olole niyad jab leh oo Euro 2024 ah.”
Isagoo ku andacoonaya in Portugal ay ahayd inay ku guuleysato tartanka, Mikel wuxuu raaciyay:
“Waxay ila tahay in kooxda Portuguese-ka aysan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.
Waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu cadcad inay sii wadaan oo ay ku guuleystaan tartanka.
Tayada ciyaartoyda ay ku leeyihiin kooxdaas waa mid aad u cajiib ah.” Ayuu yiri.
Isagoo talooyin iyo fikrado u jeediyay xiddiga Al-Nassr, wuxuu yiri:
“Dad badan ayaa ku dhaleeceeyay Ronaldo qaadashada dhammaan laadadka xorta ah, wuxuu isku dayay inuu wax walba sameeyo kaligiis, inuu isku dayo inuu ciyaaro kulan kasta.
Laakiin dhowr jeer ayaan idhi, meesha kaliya ee aan ku dhaleeceeynayo tartankaas waa go’aankiisa ahaa inuu ciyaaro kulanka Georgia.
Uma baahnayn inuu ciyaaro kulankaas. Waxaad tahay 39 jir, naso.
Si kastaba Xiddiga Portugal Cristiano Ronaldo iyo xulkiisa Poetugal ayaa dhaafi waayay wareega 8da iyagoo ku hadhay gacanta Faransiiska.