Ciyaaryahankii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa amaanay tababaraha Chelsea, Enzo Maresca ka dib markii ay Blues ku bilaabatay si qurux badan xilli ciyaareedka 2024-25.
Daaficii hore ee Reds ayaa qirtay in tababarihii hore ee Leicester City uu caddeeyey inuu isaga qaldan yahay kadib markii uu wax qabadkiisa si dhaqso ah ugu soo bandhigay Chelsea.
Chelsea ayaa u magacawday macalinka reer Talyaani shaqdaa kooxda xagaagii ka dib markii ay iska fasaxeen Mauricio Pochettino.
Waxaa jiray walaac laga qabay in Maresca uu wax ka bedeli karo Chelsea, waxaana dadka doodaas qaba kamid ahaa daafacii hore ee Liverpool Carragher.
Si kastaba ha ahaatee, ninka Ingariiska ah ayaa hadda bedelaya fikirkiisa hore ee uu ka qabay tababaraha Chelsea oo wax muuqday qabtay tan iyo markii la magcaabay.
Isagoo hadlayay Carragher wuxuu yiri, “Waxaan u maleynayaa in maamuluhu uu qabtay shaqo cajiib ah, si daacad ah markaan u hadalno, wuxuu cadeeyay inuu saxay qaldadakii Chelsea.
Waxaan u maleeyay inay tani tahay isbedel sax ah oo ay heshay bilowga xilli ciyaareedka Chelsea.
“Waxaan u maleynayay markii hore in dhibaato ay ku noqon kartay ciyaartooy badan oo ay heystay Chelsea, laakiin si fiican ayuu dhamaan u xaliyay tababaraa “ayuu hadalkiisa raaciyay halyega Premier League Jamie Carragher.