Xiddigii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa u sheegay xiddigga Chelsea, Pedro Neto in difaacyadu ay ka baqi doonaan haddii uu joogteeyo qaab ciyaareedkiisii xalay.
Waxa uu ka sheegay Sky Sports intii lagu jiray kulankii ay Chelsea barbaraha 1-1 la gashay Arsenal Premier League in xiddigaan uu leeyahay awood dheeri ah oo aan la xaqiri karin.
Nevile ayaa xusay in 24-sano jirkaan uu mararka qaar daafacyada garbaha ee kooxda kasoo horjeeda aysan ka baqin maadaama uusan kalsooni badan ku ciyaarin.
Waxa uu kula taliyay Portuguese-ka inuu sameeyo wax joogteyn ah oo ay ka baqi karaan daafacyada kooxaha kasoo horjeeda.
“Waa garab cajiibka ah Neto, laakiin mararka qaarkood waxaan arkaa isaoon aad u fakireyn, waxaan jeclaan lahaa inaad kalsooni badan yeelato, waxaan jeclaan lahaa inaad wax badan aaminsan tahay naftaada.
Way ka baqi lahaayeen ilaa ay dagaal siiyaan daafacyada haddii uu joogteeyo wixii uu sameeyay kulankii Arsenal, Laakiin mararka qaarkood wuu soo laabtaa oo dib ayuu usoo celiya kubada taas ma aham kalsooni ayuu yiri Halyeyga Man Utd.
Neto ayaa Chelsea kaga soo biiray Wolves aduun dhan 54 milyan ginni xagaagii, waxaana uu u muuqdaa mid si buuxda u kasbaday kalsoonida tababare Enzo Maresca.